qofba waa qofkaygu waa qaali
qudhba waa qudhiisu igu qanacsan
haa igumuu qasaarine
dookhu qofsan ii xul

qalbigaa jacayl u qaboo
mid kale qabanayn
mana qoomamayn barashada
mar qudha ma qabyaynin
qofka aan jecelahay
farxadaan ku qabo ma qiyaasnaa

qosol iyo kalgacal
waqtigayga kula qaatay
isma quudhsanoo
qabku wuu xunyahee
ka qashaafnay

jacayl qiimoliyo dareen
qaayo badan isu qiranay
axdi qaraniyo balan
qoysaba wada qaadnay
anigoo qawadin nolol
qaybsanoo u qushuucay

siday tahay qardhaas
wadnahaan ku qoray qumantayda
naftu way qirtee
quruxdeeda la isla qaaday
qotonkeeda iyo qaab dhismeedku
isu qaab weeyee

qacda eegmadiyo
arageedan ku qaboobay
qun u yeelatoo qalanjadu
naftii qandaraastay
qabsatoo kasha qayrkeed
u jecel qawlkeeda

anagoo hal qudha
qorshe yeelanoo qabyo diidnay
qadaf waa dhacaa
kaayaga qaldami saxa qaaday

jacayl qiimoliyo dareen
qaayo badan isu qiranay
axdi qaraniyo balan
qoysaba wada qaadnay
anigoo qawadin nolol
qaybsanoo u qushuucay

Exit mobile version