way naftayduu miday tabaysay
hankayguna taashka saaray
hadaan wax yara tusmeeyo
tiriiga nuurkeegu dhaafay

tiimaha ka taalbay dhabarka
afkuna waa tukhul madowe
talaabo socodkiyo dhaqaaqa
nafyahay gamco tuuristeeda
yartani waa tacajib weeyi

tabtuu mawlaheed u uumay
cidiba tartan lama galeyse
tolmooy inantaa arkooday
miyaan tabayaa hadeerto

cishqiga tii igu talaashay
xiskana ku samaysay taalo
tixiyo hees hadaan ku sheego
way quruxda taamke la siiyay

xishoodkeeda ka muuqda
markay luqun yar taagto
cabaadhyaha tiradee is haysta
ilkaha aad tooshka moodo
tafiirtii suleekha weeye

Exit mobile version