dhaqan iyo camal wanaag
cadradan igu deeqdaye
caashaqa aan qabo dartaa
cidaad necebtee ku neceb
dhankaygaan colaadiyaa
indhuhu cishaday ku arag
jawiga noloshoo cakiran
codkaaga markaan maqlay
cutadu iga daadagtaa
si aynaan ukala cidloon
caajiska erayada tiritra
mar walba igu soo celcelii

cudoonida deganidaa
hablaha kaga caan baxdaa
laabtaydad carbuunatoo
waxaan kuu cadaynayaa
inaan cidhifkaaga jiro
carabkiyo yeedhmadaada
codsiga ka jawaabistaydu
markay ceeshwadaag noqdaan
ayaan caafimaad helaaye
si aynaan ukala cidloon
caajiska erayada tirtira
mar walba igu soo celceli

Exit mobile version