Gab naftaan ku ahaybaan
marnaba la iga goyn karineey
Qofku dookhu galaybaan
Sinaba uga gayoon karineey
Kama goosto ruux maalin qudha Caashaq ii galayeey

Qalbigayga gogol baa u taal gaaridaan rabayeey
Oo geenyadaan calmaday
Maankiibay gadatee
Oo gobtaa burcaan maalinqudha ruuxna garab dhigine

Inaan nolosha garab joogsadaa guul bay ii tahayee
Gobonimo aan u haystaa inaan gogol wadaagnaaye
Oo guurkeedu wuxuu ii yahay geesinimo wayne

Gedgedonka waayuhu marnaba nama galaaftaane
Nacab ii gunuusaa walee igama geeyaanee
Gar allee anaan uga baxayn geda caadhaqee

Gabadhii gabadhaha ruux u helay goonibaan ahaye
Guri awoowyaashaa xamdi lagu gardaadiyee
Ayaa saylac geeyiyo gabiley awdal gudaheeda

Inaan nolosha garab joogsadaa guul bay ii tahayee
Gobonimo aan u haystaa inaan gogol wadaagnaaye
Oo gobtaa burcaan maalinqudha ruuxna garab dhigine
Ayaa saylac geeyiyo gabiley awdal gudaheeda
Oo guurkeedu wuxuu ii yahay geesinimo wayne

Exit mobile version