sahanka caashaqa midkii
ubaxyo la isku sooroo
jacayl loo sacabo tumo
ayaa sadkiisa hela
sida anba aan rabee
ama nafta ay ku sugi
xariirka inuu sara maraan
ayaan surinkeed hayaa
hablaha adigaa u sitoo
asal gabax baa tahe
soo soco xubi qaaliyeey
dhabta kugu seexiyee

suurada wajigaaga iyo
indhaha suniyaha la qoray
sifaha quruxdaadabaa
qalbiga sina uga tirmayn
samir xishood iyo dulqaad
adigaa saami u heloo
rabi kugu saacidee
samaan baad mudantahee
hablaha adigaa u sitoo
asal gabax baa tahe
soo soco xubi qaaliyeey
dhabta kugu seexiyee

Exit mobile version