Calool dabacsanaantiyo
Cisiintii iyo karaamada
Cadab aa ka qaadee

Ogoow caawa dabadeed
Cara edeg dadkaan nool
Ayaad ila cayn tahoo
Waxaa tahay qof caadi ah

Sidii buu codkaagii
Dhagahayga u culaa
Sidii baa ceebiyo
Caro kula dooneen
Kaana jaray calooshee
Cadawgaa unooloo

Inkastoo ay jiraan cadaw
Caku kala go’ayniyo
Colaadayna raadshaan

Damiir kaa cidleen yiri
Dareen ka caag yiri
Caqligiisa ruux faray
Adigaa u ciirsi ah

Sidii buu codkaagii
Dhagahayga u culaa
Sidii baa ceebiyo
Caro kula dooneen
Kaana jaray calooshee
Cadawgaa unooloo

Exit mobile version