naftu meeshay jamaiyo
xamartan jeclaaba
ku jaheeyay maankoo
nabadban ku jooga

baladweyn jamaamiyo
jawharoo gu'gii helay
jabuutida aftiintiyo
waxaan aadaya jarar

waxa beerka jaamudiyayhoobey
doonistii jig-jiga weyne hoobey
jawigeeda boorama ee hoobey
gobtiiba dhexjoogtaye hoobey
burco ruuxa jaandhiga ee
janadii ifkuu helayee hoobey

laascanood jidhkaygiyo
waxa jooga jaalkii
hadii wakhtiyo jiro
jabadkeeda waan tagi

jubaland mar iyo laba
xiisaha jacaylka
bari dhow ku soo jiray
biraheeda janad

waxa beerka jaamudiyayhoobey
doonistii jig-jiga weyne hoobey
jawigeeda boorama ee hoobey
gobtiiba dhexjoogtaye hoobey
burco ruuxa jaandhiga ee
janadii ifkuu helayee hoobey

Exit mobile version