VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Habrasho mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Habrasho

Halkii runta lagala baqo
Habrasho filo la yidhi
Hubaal xubigaan ahayn
Hiyiga ma degaa la yidhi
Hiyiga ma degaa la yidhi
2x

Kalgacalkaan la isku habin
Hanasho ma lehbaa la yidhi
Waxaan la hurayn hadhow
Hadeer qababaa la yidhi
Waxaan la hurayn hadhow
Hadeer qababaa la yidhi
2x

Hedaada qofkii ku weyn
Hadimo ma gayaa la yidhi
Heestaan loo meel dayeynin
Halhays ma lehbaa la yidhi
2x

Rajadaan loo hawl galayn
Hagaag ma lehbaa la yidhi
Hiigsiga aan loo dhafreyn
Himilo ma lehbaa la yidhi
Himilo ma lehbaa la yidhi
2x

Hayaankaan sahan lahayn
Hadhkii ambaybaa la yidhi
Hiil iyo deeqbay gashaa
Hiigmada horebaa la yidhi
Hiil iyo deeqbay gashaa
Hiigmada horebaa la yidhi
2x

Hedaada qofkii ku weyn
Hadimo ma gayaa la yidhi
Heestaan loo meel dayeynin
Halhays ma lehbaa la yidhi
2x

codkii Istaahil