garaadkaygu suu arabo
gabowgan diidaya
anoon gaadhi gurigaygii
masiir inuu i galo
galgaashoo hurdada
gam'i waayana ma rabo

goolahana ku diriro
guurdtida la wacoo
gacal iyo aniga
ilama gudboone
taa maanka geli

gayanakeygo hadaan
adiga kuu goay
nafta guudka ku sudhay
buuraha ragu ma daaye
gadaal ha u guran
gardaradu ma fiicne
ha ila guursan gabadh kale

godob dumarku leeyahay
iyo wajgaba ma raadso
kala geyna maayo
laba ruux gurigood
gubina maayo
godaad la'aana ma rabo

garaad waxaan ka dhiganaya
guushana u rajaynayaa
anigana mid ii gaaro
gaafka iga ilaasho
garoobnimo i badin

gayanakeygo hadaan
adiga kuu goay
nafta guudka ku sudhay
buuraha ragu ma daaye
gadaal ha u guran
gardaradu ma fiicne
ha ila guursan gabadh kale

Exit mobile version