quluubta wixii ku jira afkaygaa qeexaye
qalinka wadankayga yaala wuxuu qoraya
mid nimo
hal qoysbaan wada nehee inaan qaran noqono
mida ayuu qorshahaygu yahay
quruxdu waa wada jirkee soomaalay qabiilka
naca

dhaaxaan qaran soo ahayn qiimayso aduunyadu
wixii qaladee mar dhacay intad ku qubtan
badwaynta dadyow qacmaha is qabsada

miyaydaan u qiira galayn miyaydaan qoomamayn
miyaydaan kaba qancayn qasaaraha aad gashen
dheeftiisaan quudanoo qiyaamana nagama gayo
dalkeenani qaaligiyo ilaashada qaranimo
somalay qabiilka naca

Exit mobile version