Midkaan qalbigayga siiyay
Jacayl sugan kaan u qaday
Ragoo idil kaan ka soocday
Sinaba ku hilmaami maayo
2x

Anoon u sarbeebin una saafin
Waxaan ku sugnaado qof dareema
Wanaagu iga sameystee
Sanku neefle ku doorsan maayo
Wanaagu iga sameystee
Sanku neefle ku doorsan maayo
2x

Xurmada u saraysa iyo
Mudnaanbaan siiyaa
Xurmada u saraysa iyo
Mudnaantaan siiyaa
Qalbiga kama suulayee
Yarka waan sii jeclaanayaa
Alla waan sii jeclaanayaa
Yarka waan sii jeclaanayaa
Alla waan sii jeclaanayaayee
2x

Wiilkii saaciday quluubta
Inaan dadka uga sokeeyaa
Suniyo faral iiga dhiganoo
Libtiisa saluugi maayo
2x

Adaa sumad geesi lagu siiyay
Sadriga iyo maankaad sidataaye
Dhigaa adigaa u sareeyoo
Kalgacaylka adaa sameeya
Dhigaa adigaa u sareeyoo
Kalgacaylka adaa sameeya
2x

Xurmada u saraysa iyo
Mudnaanbaan siiyaa
Xurmada u saraysa iyo
Mudnaantaan siiyaa
Qalbiga kama suulayee
Yarka waan sii jeclaanayaa
Alla waan sii jeclaanayaa
Yarka waan sii jeclaanayaa
Alla waan sii jeclaanayaayee
2x

Exit mobile version