ubaxiii……. koraayiyo………
ardaydii tacliintiyo ……
barahii aqoontiyo ……
urarka caafimaadkiyo ……..
ogaalkii war bixintiyo
iftiinkii dalkoo idil
waayo aragta laayee
qaraxa la eegtee

inaa tahay inkaar qabe
arxankiisu daran yahay
umadu way isku raaacdee

ifka magac xumaaloow
kuma lihid ijaabiyo
ifafaalo khayr lee
aakhirona meel roon
rabi kuguma aadshee

kan abaabulaayee
aayaha dalkeeniyo
aasaaya nabada
indhaha naga ridaayoow

afada dhacaysana
talo ugu irmaantoo
eedaad kaston hadhin
u adkaysan maysee
anigiyo dadkoo idil
waan ku wada ogsoonee

allaha iyo rasuulkiyo
ashahaada ruux qiray
hala jaro uruuqda
ma islaanimaa

maya maya oo maya
islaamnimadu may odhan

aqalkiina guba oo
ehel iy xigaalkiyo
ubadkiina gawraca
ma islaamnimaa tidhi

maya maya oo maya
islaamnimadu may odhan

meel aan meel aan
amaan jirin
ma ahaato noloshuye
urugiy xanuun qaba
ma islaamnima tidhi

maya maya oo maya
islaamnimadu may odhan

waxaanu eednay iyo
aduunka naga dib dhigay
aarmiga hubkiyo bamada
asqiyo dam nooga dhigee

allaa nagu beerayoo
anagaa iska leh dalkee
ollolinta nooga daa

lyrics by Ismail ahmed

Exit mobile version