Anigoo bad qaba
Dumar barashadii
Igu tahay idloow
Soow
Soow Subax barqaa
Bidhaan Aragtidaa
Uma bogin indhuhu
Badankiyo qalbiga
Beer kuuma baahino
Sow ma noqon besteey
Markaan kuu bandhigay
Inaan kuu bukana
Waataad buurta sare
Bow ku tiri fudeyd

Barta dhexe wadnaha
Bir baad igu mudoo
Baaba’oo dartaa
Bukaan socod noqdee
Waan bogsaday hadoo
Badaa kuma jiree
Sabaax barasho wacan

Adoo bilic hablaad
Ale kuu badshaad
Banaan taagantee
Naftu waa belee
Beydkii add dhistaba
Weysagaa burbura
Anigoo bil iyo laba
Baadkii kaaga go’ay
Yaad igiga baxdee
Anoo kula balamay
Kuuna baahan baad
Si bareer ku jiro
Iigu balan furtee

Barta dhexe wadnaha
Bir baad igu mudoo
Baaba’oo dartaa
Bukaan socod noqdee
Waan bogsaday hadoo
Badaa kuma jiree
Sabaax barasho wacan

Lyrics by Hage

Exit mobile version