ku helaa nasiib lee
hanaankaaga socodkiyo
haybadaada quruxdiyo
habsamida talaabada
waxa tahay hormud dumar
tuu hankaygu raacee

ku heshaa nasiiib lehe
hanti waxaad u leedahay
dulqaad cidi helayniyo
suugaanta hodonka ah
hugunkiyo codkaagaa
halyaygii ragaa tahee

aan heesta joojoo
aaah
halkii la igu maray
sida hoorimaad diriri
kuu hoorsho luuqdee

waan kuu hiloobee
aaaah
halbawlaha wadnaha iyo
hanaqa iyo laabtaba
aan kuu hibeeyee

hida raacayaayee
hurgumada jacaylkiyo
adna hilawga caashaqa
hareertaadaa

haye haye

hareertaada ka adkee

naftu way ku hibatoo
aniguna hubaashii
kuu heermay adigee
haye haye

hareertaada

haye macaanoow

sida hogol daruuroo
adigoo haraad qaba
dusha kaa hadhaysoo
kuu hoortay goor wacan
gabadhyahay hubaashii
waan kuu hinqanayaa

sida haleelo geeloo
ka halawday xeradii
horaadadu darareen
marka uu habeen dhaxo
habid looga waayaan
ana kuu holanayaa

aan heesta joojo
haaaaa
halkii layg maray
sida hoorimaad dirir
kuu hoorsho luuqdee

waan kuu hilooobee
haaaa
halbawlaha wadnaha iyo
hanaqa iyo laabtaba
aan kuu hibeeyeee

hida raacayaayee
hurgumada jacaylkiyo
adna hilawga caashaqa
hareertaadaa

haye haye

hareertaada ka adkee

naftu way ku hibatoo
aniguna hubaashii
kuu heermay adigee
haye haye

hareertaada

haye macaanoow

Exit mobile version