sida malabta shinidaan ama miro bislaadaan
kuu muhanayaayoo kaama maarmo gabaryahay
meel kastoo aan joogaba maskaxdaa ku tabaysoo
inaan kaamaqnaado maba yeeli karayee
miyigoo barwaaqa dhirtu ay magooshoo ubaxii
mankii baxay ishu milicsanaysaa
midabkaa aragtida ayaan kaa maqsuudaa
marna kama habowdid marinkaad leedohoo
dadka waxa u muuqda marley inaad u sidatee
muuqaaga quruxdiyo muunad iyo asluubaa
mawle kuugu deeqoo ana waan ku mahadsha

Exit mobile version