inta guudka feedhatiyo
geyaanka hablaha kacay
geenyadii aan geenyada kadoortay
gobonima sharafkiyo
garashiyo xishoodkaa
guule kuugu deeqee
riishigaari dumaraa
gaabr xareed le udhalatee
farxad aan go ayniyo
mahad gaara weeye
hadaad maanta gacalooy
gogol ila wadaagtee
guule waxaan baryayaa
gurboon noo adeegiyo
guri khayr le iyo nabad
gobolkee nimcada ee
gurigii kismaayooo
goor ku wacan ku dhalataay
goda iyo jigjiga iyo
wardheerta dalkeenaa
goortii aad doontaba
kuu geyn dalxiisoo
gaarisaan dagaynaa
abaal aan lagudi karin
waxa maanta noo galay
geesigii ku dhalay
gacalooy adaa ahaa
guule waxaan baryayaa
gurboon noo adeegiyo
guri khayr leh iyo nabaad

Exit mobile version