waan ku baafinaayaa
]badh kaam hayee
kii ikaa baraybaa
boqol jeer waydiyaa
aaway timo baaraydii
bish wacan taydii
baashaal qosol laydii
bilkhayr wajilaydii
baayooy wan ku busaylayoo
waan ku baadi goobayayo
nasiibkaygaa beegsadaa
bilaney xaalkay
badbuu ku jiraa
baabkayga allow
cid ubixiyooo
inantiii bilicda
bidhantan wacnayd
ma burcaan ka baafiyaa
inantiii bilicda
bidhantan wacnayd
ma balad weynba baafiyaa

inantaan boqrayey
balqiis u ekeyd
bu dii aragtaa
basaasay darteed
bururka quruxdaada
baaciska gacmahaag
midabka balbalaaya
labeentu ku badan tahay
eegmada laga bogan karayee
ayaan baadi goobayaye
nasiibkaygaa beegsadaa
bilaney xaalkay
badbuu ku jiraa
baabkayga allow
cid ubixiyooo
inantiii bilicda
bidhantan wacnayd
ma baydhaban ka baafiyaa
inantiii bilicda
bidhantan wacnayd
ma boraman ka baafiyaa

Exit mobile version