Gaari dumar, gayaan taan ka rabay
Gacaladayd taan la galangalee
Goor walbo taan ugubanayaa
Way igubtoo iga goostee
Garashadaydaan bal eegayaa

Adna garoo waxii kula gudboon
Anna waa ii go’aan inaan gaabsadee
Gayaankaa ha seeginee
Garshadaydaan bal eegayaa

Geedi baan anna go’aansadee
Gobal dhacaan sii gudanayaa
Had iyo jeer niyadaada gali
Har badan baa geesahaaga dhigay
Garashadaydaan bal eegayaa

Adna garoo waxii kula gudboon
Anna waa ii go’aan inaan gaabsadee
Gayaankaa ha seeginee
Garshadaydaan bal eegayaa

Exit mobile version