kuu dooray suugaan
kuu diray fariimaha
kuu dul maray ujeedada
mana soo dabcayside

kugu daalay aniguye
horta dhagax dixeediyo
darbi shuba miyaad tahay
damiirkaagu adagaa

naftaad daawadeed tahay
adoo daadahayn kara
inaad dib uga gurataa
waa kuu damiir xumo
nabsibaana kuu digi

daymada qof kuu nugul
isagoon dabnaha furin
dushaa laga ogaadaa
ruux jacaylku daashaday

adigoo dal dheeriyo
dibad iyo ku maqan yurub
misna waxaan dareema
nafta inaad la daris tahay

naftaad daawadeed tahay
adoo daadahayn kara
inaad dib uga gurataa
waa kuu damiir xumo
nabsibaana kuu digi

Exit mobile version