Hadaad nasabeey kalgacal
Nolosha ila qaybsanlayd
Sidii waxaan noqon lahayn
Naf qudha oo laba jidh le

Marbaan wada neefsanlayn
Marbaan wada nuuxsanlayn
Marbaan wada nuugilayn

Haduu nabar kaa damqado
Axbay odhanlayd niyadu
Kashaad ii nuujinlayd
Dareen naxariis watoo
Nabdiga quustiyo sahwiga
Nadaabada weheshadaad
Naruuro ku soorilayd

Hadaad niyadiyo qalbiga
Nasteexa ku habi lahayd
Sidii nudayaal is xiga
Ayaanu nolol qaybsanlay

Sidii dhul nabaad ku yaal
Mar waan kugu nuursan laa
Kashaa kugu naaxilayd

Exit mobile version