hablaha love kiyo cishqigu
intay ku lamaan yihiin
hargeysa ku nool qalbigu
miyuu ku nagaanayaa
xubigu wuxu doonayaa
labeenta hablahaa lehee
jigjiga ku dhex laydhsadiyo
duniyo leeshe togdheer
anoon lacaweyn habalaha
jabuuti iyo awdal dega
miyuu laxawgiyo hamigu
lilaahi daynayaa
hablihii nugaal ee ladnaa
jaceylka ulaab xalnaa
garoowe anoon degin
miyaan ladayaa
rugtii laamaha cishqigee
lamaanuhu beerayee
hablihii lahashada lahaa
muqdishay ku dhex noolayaan
anoon lAcaweyn hablaha
jabuutiyo awdal degaa
miyuuu laxawgiyo hamigu
lilaahi daynayaa

Exit mobile version