Qalbigayga lagu qoray
Magcaaga uun qura
Qisadayda kaligaa
adiga lagu qufulay

Waxay qaadi xiisaha
uqaadaa had iyo jeer
uqeexdaa dhibkeedoo
Qoraal ugu sameesaa

Nafta qayb ka maqanee
Oo jacayl qasbaayoo
Kaa quuso waydeee
Rajo igu qabyoowdoo
qooraansanaayaa
Hadduu calfka qaadana
Anaa qanci lahaayee
Miyaan miyaan
miyaan kala qorsoonahay

Qorax soo baxaysiyo
Marki ay qarsoontaba
Sidii aad qardhaas tahay
Adaa qoorta ii suran

Adaa kugu qarwaayoo
Nafta waa qufalatee
Riyo igu qabyoowdaa
Maxaan kaaga quusataa

Nafta qayb ka maqanee
Oo jacayl qasbaayoo
Kaa quuso waydeee
Rajo igu qabyoowdoo
qooraansanaayaa
Hadduu calfka qaadana
Anaa qanci lahaayee
Miyaan miyaan
miyaan kala qorsoonahay

Exit mobile version