marka hore marwaantiyo
masawaada faraxiyo
muxibada riyaaqa le
waa mid lagu yaqaane

cishqi kuu maleegtana
malaataba ma waayee
maalmo waxaan dareemoo
mudo kale i daayaba
ma naxoo jacayl

ku saarnaa mudada badan
kugu meeri isagana kasoo maqan
ee mar dhadhami qadhaadhiyo
tuu yahay macaanba waad muraysatee

mililicada guurkiyo
muxibada dareenkiyo
intuu joogo meel dhaw
maro looma waayee
madi waxay u darantay
marka shalay adoo nacay
maanta uu keenaa
ee aad maarmi waydaa
ma naxo jacayl

ma jeclayn waxyeeliyo
inaan ma hadho gaystee
marlaybaan danteediyo
ilayn maanso dhuuxine
isagaa malaha garan
hadii aan ka magansado
dhibtaan ka mutay caashaqa
ma yaqaan tudhaalee
ma naxo jacayl

Exit mobile version