waxbadanbaan hogo tusaale
hoos iyo dulbaan ugu idhoo
meel kale aan u heelanaa
bal taydana aan hinjiyoo

naftayda mar aan hulado
heerarta suugaanta galo
sidii aan bus ahay
in badan hoos wax loogu shubin

tahay waanada hadee
bal aan heesaha ku dayo
hadhkiyo labadiisa galin
habeenku way is riixayaan
aduuna hawli kama dhana
intaad hiigso leeday
hoheey mawdkuna
uu hareer socdaa
gabtuna mooyi gooray noqon

waxaan heedhe aan ku idhi
ama se hooy aan ku idhi
hagaaga lama daadiyee
jacaylka hantaaqada ka daa
ha noqon heeryadiisa cune

hubsiino ayaa la yidhi
halbaa lagu doorsadaa
waxaanad hayn adoo
ka hadhaa haboon

habaar qabe ha noqon
hanfada sida haada lala
inkastuu dhaadhacay
cidnaba abaal u hayn

habluhu waa walaalahaa
haweenku sida hooyadaa
horaadka ku jaqsiisayoo
iyadaa hada lagama galo
kalgacayl hubuq laguma rido
dadka ruuxii ku handada
ase hagaaga jecel
iyaga waa lagu hirta
hayeba qalbiga u dawa ah

Exit mobile version