Ogsoonow, eryadaan ku leehiyo
Uurkuna ku haay, axdigaa inoo yiil

Afka waxaad ka sheegtaa
Arimahii dhaxdeeniyo
Isha waxaad ka diidaa
Nin aduunyo kugu sabba

Adkeeyoo, Adkeeyoo
Ayaantaynu leenahayiyo
Way imaan waqtiguye
Samir ila ogoow!

Haddii EEBE igu simo
Ama iilka la'ii dhigin
Ragga aynigaaga
Adaan kaa ishaartoo
Uurka kugu haayaa

Sida ubaxa Ama roob aroor yaal
Dadka oon iyo haraad qaba
indhahayga deeqdee
Sideen kugu iloobbaa

Irmaanee, heedhadii galkacalkoo
Eediyee ku raacinee
iidhigo abaaloo

Taladeena ugubka ah
Ilinku ubaneeyoo
eediye yee ku raacinee
Irmaanee galkacalkoo

Adkeeyoo, Adkeeyoo
Ayaantaynu leenahayiyo
Way imaan waqtiguye
Samir ila ogoow!

Dayaxii iftiimiyo
Ilayskii cadceedoo
Mid kaloo arkoodaba cabdoo
Indhahayga saaraa
kuma arag aduunkee

Sida ubaxa Ama roob aroor yaal
Dadka oon iyo haraad qaba
indhahayga deeqdee
Sideen kugu iloobbaa

Exit mobile version