haradaydiiye
ta aan laabta
ku hayaaye
hablaha da'daadana
midi ugu horeysay

waan haajirayaayo
hoy kale u jeedan
safarbaa i hayoo
himiladiisu ay tahay

sida ugu hoygeela
hir caleen leh iyo doog
asaageed uga horeyn lay

yaan hamigaa lagaa xadin
laguu hayaamin meel kale
axdigeena sii hay
hurdaaye ha noqon

hamadaydiiye
hamigaagu yay galin
intaa duni hatsanayso
inan haabsasho inan kale

Exit mobile version