In jacel la tirin karin
Oo lala tartami karin
Waxa iga tusaala
Kaad adigu jeceshahay
(2x)

Gorteey timaadoo
boqolkiiba taban qof moyee
indhaha ku siga badan
(2x)

Nolol kuma heshiyaan
dadka mawada tix galiyaan
caashaqu ku toos ma leh
(2x)

Jaceylkeygu ma taagmoo
wuu talaabo dheeryahey
todabaadba meel buu
tamashleeynayaa
(2x)

Wuu taxaabaa taxaaba
waa cudur kale u keen
Rabow yuu nagala tagin
(2x)

Labadii is qabatee
qalbigooda istaabtee
Illaah ugu taagee
(2x)

Illaah ugu taagee
(4x)

Exit mobile version