Inkasto aarsade godob noqon
sabarana gun noqon
galin kula xumaatiyo
gocashadu ceebtahay

Inagoo gacal wadaagnay
gayaanku sheekadu gartay
inaa igu gaftoo
godob iga gashay
ma gar waaqsantahay

Wacadkaan wada galayniyo
go’aankii dhaxdeynoo
inaad gooysay axdigi
ma gar waaqsantahay

Maan gam’in hurdada
galin hadey kuu haraad
maad gabid cidlaa
uga guurtay
ma gar waaqsantahay

Shaxda gabi waxa jira
waa geedin laga ilduufeyay
godna lagama wada cuno
laba jeer wax garadee

Carladi nafteyday
haduu guulo calafiyo
isku keeno kala guur
weynu gaari doonaa

Exit mobile version