Baryahanba arinbaa iga siya
Sun iyo oonbaan qabaa
Sirtaydiibaa baryahan
Samada lagu maalayaa

Saakii ku xidhnaa wadnaha
Saaxiiboow maxa xalibay
Taladii aan wada saxniyo
Maxaa samirkii ki dhacay

Malaha waa lagu sitaa
Sudaarada ha iga qaban
Safkiyo ila gaadh wadnaha
Axmasow seexoo ha kicin

Sadku markuu samaa
Saadaashuna ii wacnayd
Adigoon cidla i simayn
Sootaad bogay ku siday

Saakii ku xidhnaa wadnaha
Saaxiiboow maxaa xalibay
Taladii aan wada saxniyo
Maxaa samirkii ki dhacay

Malaha waa lagu sitaa
Sudaarada ha iga qaban
Safkiyo ila gaadh wadnaha
Axmasow seexoo ha kicin

Exit mobile version