boholaha jacayl
nin badwayn dhex galay
siduu uga baxaa
anoo baygagoo
babacyada xargaga
buuraha ka koro
waa i bidhaansanaaya
barbar eeganaayaa
igu soo baxaayaa
saasan ka baqay a
jacaylkaan ka baqaya

bilaawaha jacayl
nimuu beerka jaray
ma bogsoonayaa
anoo boogtii qaba
nabarkana bogsoon
bartuu igu arkaba
wuu i baacsanayaa
barbar eeganaayaa
igusoo baxayaa
saasaan ka baqayaa
jacaylkaan ka baqayaa

Exit mobile version