nuur daalacayiyo
indho caashaq qaba
kaan ku eegayow
sow adiga maaha

inaa kaa agtago
naftu ma ogolee

sow adiga maaha
noloshayda idil
kaan ku aaminee
aayaha ka sugi
sow adiga maaha

eegmadaadiyo
uurkiyo qalbigu
kuu amaanayow
sow adiga maaha

mid ayaanlebaa
aqal kula gashee

Exit mobile version