mar adoo iga dheerba
qalbigu ku dhawaaqaya
mar adoo iga dheerbu
indhuhu kaa dhargeyn

mar adoo dhedi hurada galay
hasaawaha kula dhig-dhiga

sida iigu dheertahay
mar ruuxan kula dhiiga jira
saw dhuuxa iyo
maad raacina dhiigaba

bal dhankaaga qabo caashaqu
yaanu dheeliyiine
anigana i dhowr
sida curad la dhalay
aan dhool-dhooliye

marbaan dhabta iyo
dheyel kala ogeyn
aan dhoohaneyn
marbaa dayro dhaaf
dhaxan loo qadhqadhyn
waan dhididayaa

marba dhigiyo
aqalkoo dhismiyo
dhagaha farxadi
ay ku soo dhacdaa

sida iigu dheertahay
mar ruuxan kula dhiiga jira
saw dhuuxa iyo
maad raacina dhiigaba

bal dhankaaga qabo caashaqu
yaanu dheeliyiine
anigana i dhowr
sida curad la dhalay
aan dhool-dhooliye

Exit mobile version