waa filin aduunyadu
foosiyo naxdin ahoo
inba mid ku fooftaa
fikirkaad jeclayda

markuu faalku gees maro
filan waana kugu dhaca
adoo fooraroo madaw
farxadii kuu timaada
fahma way ku galisaa

ala caqligii fayoobaa
faylasuuf yaqaanee
falsafada xaqiiqda ah
ficilsan umuuraha
bal wixii maqan ka faalee

ragu kala fariidsanoo
kala fiiro dheere
ha ku faquuqin waayaha
ruuxa faraqu madhanyahay

ficiis kaas ka gaabshiyo
jeebkiisu faaruq yahay
marbuu farajka EEBIYO
jawi fiican uu helaayoo
faqriga uu ka qaadaa

Exit mobile version