dareenka jacayl
siduu dalmarow
aniga ii dagay

ogow duhur
habeen damaybaa
anaa dabad mar
ku doondonay
daydayaya way

isaga darjajiyo
dugsoonba moon
u diirsanayaaye
ha la ii daydayo
ma dayn karaye

dushiisa wadnaha
adaa dalmarow
ku daabacano

adaa dookhiyo
qalbiga deeqo
anoo daacada
ku doondonay
ku daydayaya

sidii durduriyo
daruur curata
doogsanayaaye
ha la ii daydayo
ma dayn karaye

Exit mobile version