anoo nabaradii hore
la hafeefta oo u nugul
hebel sooka naaraha
igu huriyay maantana

hadimada jacaylkiyo
qalbigaygu haaraha
ma hiduu u leeyahay
ma hubsiimadaan jirin
ma hinaasibaan ahay

xalay waan hantaaqmee
caawana hilaaduhu
habeenadi wax saarkiyo
ma waxaan la haynbaa

anigoo jugtii hore
la hagaasayoo naban
sowka hooto dhaga lay
igu jaray halbawlaha

hantaa ruux ka qoomiyo
nimaan heedhe ii tudhin
ma hoodaan u leeyahay
maanigaan hal xulashada

Exit mobile version