mid ilwaad lahiyo
asal dhaladaa
maamuus sharafliyo
ma huranow
muunad quruxliyo

muuq haldhaaye
hanti iyo maal
maankayga deeqo

macaankii aduun
midaan ka helay
maalin iyo layl
midkaan daabsho
maalmaha badan taan
macmuud ka baryayaa
mawlaha illaah
kaan ku mahadshoo

aan midowne
kaalay muxibow
mahuraaniyo
kaalay mudanay
marwadaydiyo
macaiinkayga noqo
kaalay ii kaalay

kaa maarmee waykan
waykan mudanow
kaalay midigtiiyo kaalay
kaalay maanko kaalay
kaan mudada dheer
mawle ka baryow kaalay

mid udgooniyo
ubax baxayee
milgoo dhaqan lihiyo
mahuraanow
meel joog wacaniyo
miliyaan dhaane
miirkaygiyo mudankii ragoo

mabsuuki faraxa
midkii i tustaay
meelkastaan joogo
midkaan tabayo
mar haley dumar
idiltaan ka miidhaye
muxibiyo kalgacal
kaan u maaxdow

aan midowne
kaalay muxibow
mahuraaniyo
kaalay mudanay
marwadaydiyo
macaiinkayga noqo
kaalay ii kaalay

kaa maarmee waykan
waykan mudanow
kaalay midigtiiyo kaalay
kaalay maanko kaalay
kaan mudada dheer
mawle ka baryow kaalay

Exit mobile version