intaan himilada arkaayo
hamigu i hogaaminaayo
sadaashu haday fogaato
hankaygu ka gaabsan maayo

intay hibashada xasuustu
maankayga haloosiyayso
jacaylka ka hiilin maayo
haasaawaha caashaqeena
hilaadii hor joogsan maayo

hubaal nafta waan ku siiyay
qalbiga waan kuu hibeeyay
jacaylkuna waa i hayaaye
hubsoo adna i hungaynine

xusuusta intaan hadraayo
qalbigu hiil kaa sugaayo
hadaad hawadaada raacdo
hareeraha eegi maayo

intay naftu kuu hanwayntay
kashaydu ku haybinayso
jacaylka hilmaami maayo
haraadkaan qabo dartaana
cir hooray doojin maayo

Exit mobile version