qalbibaan godlaa
gocoshiyo xasuus
la go'doonsanaa

gaadhbaan idhaa
goobtaan rabiyo
ubixii gu'yaal

gaadmashiyo aduun
gadgadoon lahoo
waa laga gudbaa
ma gumayn naftoo
garashana ma dayn

naftaan gaar ahaan
gees ula faqaa
gadood diid idhaa

ka galgalo xumaan
ha gumoobinbaan
godob kaga gam'aa

Exit mobile version