xasuus igu raagtaybaa qalbiga xoog ii ruxdoo
sidaan ahay ruux xawilan naftaan xakamaynaya
markaan xal raadiyee xagiisa usoo durkaba
waxaan la kulmaa xujo hadana kama xaasa dhaco

ilayn wax ma xeeriyoo xishood caashaqu maloo
jeel iyo xabsi lagu qabtiyo jacayl wax xidha majiro

anoo xulan kara dhigay ayaan u xanibanohoo
xidhiidhkii kama jaree wanaagbaan xeeriyaa
sirteenaan xaasidkiyo xogteena ka dhawraya
xumaanta adoo wadaan xantaada wanaajiyaa

Exit mobile version