noloshayda adaan
nabiil kuu hibeeyoo
uma nooli ruux kale

nabarada kalgacalkee
lagu nuday wadnaha bidix
ha igu naafinine
nuru nuruda hadalkiyo
nuukhnuukhsiga iga daa

oo aan noqono labadii
isu niyad samaadee
nafta isu dhiibtee
nasiibkooda aayaha
ku nageeya caashaqa

nidirkii dhexdeenii
jacaylbaa igu nabanoo
waa nuuni lahashadu

nabad iyo naruuiyo
nimco iyo barwaaqana
lama nici karaayee
nonowda iga daa

Exit mobile version