Haa inaabtigayoow aqoon badanoow
Adaan ifka kuugu jecelahay
Inaabtigayoow aqoon badanoow
Adaan ifka kuugu jecelahay
Anii ani iyo adiguba
Waa arooskeenee ku sii tan ku sii
Ala la'aantaa miyaan ladaa
La'aantaa miyaan ladaa
La'aantaa miyaan ladaa

Adoo I ogoo ogsoonahaybaan
Hadana aragaaga doonaa
Abshir dheh aamiin tahay dheh
Eebe mahadii dheh amaan dheh
Amaan jacayl dheh
Ala la'aantaa miyaan ladaa
La'aantaa miyaan ladaa
La'aantaa miyaan ladaa

Haa ugaaskii ragee isoo calmadoow
Adaan oori kuu ahaadee
ugaaskii ragee isoo calmadoow
Adaan oori kuu ahaadee
Abshir dheh aamiin tahay dheh
Eebe mahadii dheh anii dheh
Ilaa xidhkeen dheh
Ala la'aantaa miyaan ladaa
La'aantaa miyaan ladaa
La'aantaa miyaan ladaa

Haa waxaan nahay laba is aaminayoo
Is dhaafsaday wacadka Eebe
Anii dheh ani iyo adiguba
Waa arooskeenee ku sii tan ku sii
Ala la'aantaa miyaan ladaa
La'aantaa miyaan ladaa
La'aantaa miyaan ladaa

Exit mobile version