VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Nasteexo - Lyrics

Nasteexada jacaylkiyo Naxariista dunidee Nafta raali galiyoo 2x Midkaan naawilaayee Nabdigaygu raacee Kolay naawilaayoo 2x Waa nagi warkaygani Niyad kugu Samaatiyo Waa nagi warkaygani Niyad kugu Samaatiyo Nuxur nuxur nuxur gaara weeyaan Nuxur gaara weeyaan 2x Bal eeg nuubkan caashaqan Nasiibkeena wacaniyo Bal eeg nuubkan caashaqan Nasiibkeena wacaniyo Nimcadiyo barwaaqadu Nimcadiyo barwaaqadu Nasri Eebe weeyee 2x Naqaan ku sanaayiyo Naruuradii kalgacalkiyo Neecaw udgoon loo 2x Calaf iyo nasiib iyo Midkii la igu dudayee Aan u hurey nafteydoo 2x Ifka intaan ku noolahay Nolol aayatiin lihiyo Ifka intaan ku noolahay Nolol aayatiin lihiyo Nabad nabad nabad aan ku waarnooy Nabad aan ku waarnee 2x Bal eeg nuubkan caashaqan Nasiibkeena wacaniyo Bal eeg nuubkan caashaqan Nasiibkeena wacaniyo Nimcadiyo barwaaqadu Nimcadiyo barwaaqadu Nasri Eebe weeyee 2x
Queue is empty
-- / --