Kaliishii iga yibladay
Markuu ugu Soo yabyabo
Wuxuu ku Yabaal baxaa
Yamaaruga yamaaruga hawd ka baxa
2x
Jacaylku mug yaala yalxada
Surmiga yoomo yoomo
Yur ku idhaa kaligii cidlada
2x
Axdiina uu yeel ka galay
Waxaad u yaboohisaa
Nasiibkii Soo yabyabay
2x
Hayaan jiilaal yabqamey
Yagleelka halkuu ku furo
Haday doolimay ugaadh
Tusmoyurug tusmoyurug daaqayey
2x
Jacaylku mug yaala yalxada
Surmiga yoomo yoomo
Cadaawo ku yee ka jaray
2x
Yagleesha ugu haboon
Waxaad u yaboohisaa
Nasiibkii Soo yabyabay
2x

Exit mobile version