Waxaad tahay horyaalkii
Hablaha maanta joogoo
Hubaashii naftaydaa
Hodaneey ku jeceloo
Waan kuu hanwaynee

Hawraarta adigaa igu huriyoo
Halbawlaha wadnaha iyo
Xididaad haleeshoo
Halisban ku suganee

Haween taan ka doortaay
Naftaan kuu hibeeyoo
Hiyigaygu wuxuu yahay
Inaan hoy wadaagnee
Hareertaada ka adkow

Habsamida dhaqankiyo
Daganaanta hadalkiyo
Hubqaadkiyo xishoodkuna
Hadiyad EEBE weeyoo
Aad hido u leedee

Laabtaad hantidayoo
Aawadaa habeenkii
Hurdada ma seexdoo
Ilaa hiirta waagana
Hadaarban ku gaadhaa

Exit mobile version