Ifka intaan ku noolaa
Indhahaygu may arag
Abuurtaadanoo kale

Ayaantaynu kulanaa
Eebada kalgacalkuna
Oogadayda saaqdoo

Ililaha dareenkuna
Idileey aduunbay
Ehel kaa dhigtaano

Ma ogtahay afkayguba
Amaantaada mooyee
Eray kale ma sheegoo
Naftaa ku ogolaate

Waa ayaamo duniduye
Aan ku istareexnee
Ooridayda maad noqon

Ubax dayrtii baxayoo
Aragtida u roonoo
Aadmigu jeclaystiyo

Waxaan kugu asteeyaa
Ilayskii cadceedoo
Agagaarka beerkiyo

Wadnaha oogadiisaba
Idileey aduunbaa
Unugyada waraabshoo

Exit mobile version