maamuuska sharaftiyoo
milgahiyo dhaqankaba
midii lagu manaystaay
macbuudkaa quruxdiyo
maskax gaara siiyoo
marwo lagu majeertaay
milicsigaaga eegmada
jaceyl idhex maquuree
waa maalmo duniduye
aan wada mushaaxnee
midhihiisa guranee
midigtaada iidhiib
modanihii aqoontiyo
madhaafaankii ragee
murti eebe siiyow
muujiyeenki leexadii
midkii uu lahaayee
maldahee sarbeebow
macaaneeyey sheekada
caashaqii malxiistee
jaceyl ii makiistee
waa maalmo duniduye
aan wada mushaaxnee
midhihiisa guranee
mowle ha isku keen simo
hadal waa midkaad tidhi
ana maagi maayo
meermeerin maayee
ma maqnaan kaaayoo
marna maarmi maayee
mudan aragtidaayee
muunadaada wacanbaa
muxibo igu abuurtee
waa maalmo duniduye
aan wada mushaaxnee
midhihiisa guranee
midigtaada iidhiib
anaa kaaga mara kacay
inaad tahay masuul
madal rag isku arkiyo
mowlac diintu taaliyo
mariinkii hagaagsaniyo
ka maqnaaninoo
mufti iyo mideeyoo
maxaastana daryeeloo
waa maalmo duniduye
aan wada mushaaxnee
midhihiisa guranee
mowle ha igu kaa simo
mowle ha isku keen simo

Exit mobile version