Deeqa daawashadguud day shaniyotobaniyo
Daruur hoortay weeyaan
Timaheedu waa dahab marka dabarka loo furo
Wada dahab gabigood daauuskay quruxdiyo
Daymada wadaagaan

Deeqa daawashada guud durdur aan gudhayniyo
Dix biyuhu jeexoo duurjoogta cawshiyo
Deerada kulooshiyo uboxoo dilaacaad
Daymadooda leedahay

Dabcigiyo aqoontaa dUmar lagu xushaayoo
shay doora weeyoo haahaa
Deeqlaha illaahay dadka uu waxsiiyee
Dabnaheedan hadalkiyo ma haqaano
Deel qaaf
Waligeed dabuub ruux ismaydan daba marin
Kolay deeqday dariskiyo dad intay la dhaqantay
Waxa doogsimaad hela dadab kii ku noystee
Dookheeduna raacay

Exit mobile version