Waabyo mariid wadnaha kaa gaartayee
waqtiga gale waajib waaye inaa u wadee
wali iyo wadaad kaama wareejin karaanee

Wadaanti jaceylkee iga soo wadooneey
waqtigiisa galay kii weecihaayee

Wacad beena ma roonee
kuma wanaajiyee
kii wali nuur wax ka sheegtay
wiira wiiraay aheyd
war janaat ma waraabtee waligeedee

Wadaanti jaceylkee iga soo wadooneey
waqtigiisa galay kii weecihaayee

Exit mobile version