VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Waqtiga - Lyrics

Waqtiyow dhibaatada dhalinyaro intaan ahey hay soo dhaweynine waxaan ii dhameyneyn sharafteydan dhawroo dhegaha iyo aragaba ka dheeree agteyda Waqtiyow dhul omosoo wabiyadu is dhaafin beeraha dhexdoodiyo dhirtu ubax macaan dhalin dhaayaaha u rooneyn dhalinyaro intaan ahey dhegaha iyo aragaba ka dheeree agteyda Waqtiyow dhismaha guud dowlada aan dhaliiloo dhibaatadan i gaadhiyo ka warqabin dharar qudha dhaqankaan ku noolahey dhalinyaro intaan ahey dhegaha iyo aragaba ka dheeree agteyda Waqtiyow la dhaqan dumar lama dhaafi karayee dhalanteedka caashaqa mid ah toban dharaarood ama aanu dhab ka aheyn dhalinyaro intaan ahey dhegaha iyo aragaba ka dheeree agteyda Waqtiyow dhulkaagiyo adduunyada dhiskeediyo dhaxalkiyo doogiyo dhoobadiyo canbuushiyo kugu dhaarshey diintee arimaha aan kuu dhigey dhalinyaro intaan ahey dhegaha iyo aragaba ka dheeree agteyda
Queue is empty
-- / --