VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Waqtiga mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Kaskey
Waqtiga

Waqtiyow dhibaatada
dhalinyaro intaan ahey
hay soo dhaweynine
waxaan ii dhameyneyn
sharafteydan dhawroo
dhegaha iyo aragaba
ka dheeree agteyda

Waqtiyow dhul omosoo
wabiyadu is dhaafin
beeraha dhexdoodiyo
dhirtu ubax macaan dhalin
dhaayaaha u rooneyn
dhalinyaro intaan ahey
dhegaha iyo aragaba
ka dheeree agteyda

Waqtiyow dhismaha guud
dowlada aan dhaliiloo
dhibaatadan i gaadhiyo
ka warqabin dharar qudha
dhaqankaan ku noolahey
dhalinyaro intaan ahey
dhegaha iyo aragaba
ka dheeree agteyda

Waqtiyow la dhaqan dumar
lama dhaafi karayee
dhalanteedka caashaqa
mid ah toban dharaarood
ama aanu dhab ka aheyn
dhalinyaro intaan ahey
dhegaha iyo aragaba
ka dheeree agteyda

Waqtiyow dhulkaagiyo
adduunyada dhiskeediyo
dhaxalkiyo doogiyo
dhoobadiyo canbuushiyo
kugu dhaarshey diintee
arimaha aan kuu dhigey
dhalinyaro intaan ahey
dhegaha iyo aragaba
ka dheeree agteyda

codkii Kaskey